Akhriso: Farrintii Declan Rice Ee Kaddib Kulankiisii Koowaad Ee Emirates Stadium & Koobkii 1aad Ee Uu La Qaaday Arsenal

0
139

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xiddiga reer England ee Declan Rice ayaa farriin u diray taageereyaasha Arsenla kaddib markii uu saftay ciyaartiisii ugu horreysay ee garoonka Emirates Stadium oo shalay ay rikoodheyaal ku garaaceen Monaco, iyaga oo ku guuleystay koobka loo yaqaano Emirates Cup.

Declan Rice oo Arsenal ay £105 milyan oo Gini kaga soo iibsatay West Ham United, ayaa waxa uu dheelay 62 daqiiqadood oo uu 90 boqolkiiba dhamaystiray baasaskiida, isaga oo kubadda taabtay 48 jeer, shan baas oo halis ahaana ku dhiibay duleedak xerada ganaaxa, waxaana u dheeraa laba taakal oo uu sameeyey, laba jeer oo kubbado aya kooxdiisu lumisay uu soo dhiciyey iyo afar kubbadood oo ay ku loollameen ciyaartoyda Monaco oo uu kaga gacan-sarreeyey.

Rice ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka  ciyaarta, kaddib, waxa uu ku yidhi: “Waxa isoo jiidatay soo-dhoweynta ka hor ciyarta! Waxa aan jeclaaday daqiiqadahaygii ugu horreeyey ee Emirates, waxaynu sii wadaynaa dhismaha iyo riixista guulaha. Waad mahadsan tihiin Gunners.”

Dhinaca kale, Mikel Arteta oo wax laga weydiiyey ciyaartii Rice ee Emirates Stadium ee xalay ayaa yidhi: “Waxa uu maanta u ciyaaray si heerkeedu sarreeyo. Waxa uu inta badan ka ciyaarayay dhaxda weerarka, waxay ahayd markii koowad ee uu halkaas ka ciyaaro. Waxay ila tahay inuu meelo kala duwan oo khadka dhexe ah ka ciyaari karayo.”