Agabyo looga hortagayo Fatahaadaha oo lagu wareejiyay Maamulka Magaalada Jowhar.

0
111

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agabyo loogu talagay xakameynta Fatahaadaha Wabiga shabelle maalmihii la soo dhaafayna laga soo aruurinayay xaafadaha ay ka koobantahay Magaalada Jowhar iyadoona is xilqaankaasi ay wadeen Dhalinyarada Gobalka Shabeellaha dhexe Hormuudna ay u aheyd Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Gobalka Fartuun Aaden Xeefow ayaa Maanta lagu warejiyay Maamulka Gobalka Shabeellaha dhexe iyo midka Degmada Jowhar.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Jowhar Cusmaan Maxamed Muqtaar ayaa Dhalinyarada Gobalka Shabeellaha dhexe uga mahad Celiyay Agabyadan ay ku wareejiyeen isagoona baaq u diray Bulshada Qeybaheeda kale.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa fah-faahinaya