Agab caafimaad oo lagu wareejiyay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Jubbaland.

0
91

(Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Gargaarka Mareynta kyo masiibooyiinka Jubbaland ayaa maanta shixnado gargaar caafimaad ah oo ka timid Jaaliyadda Jubbaland ee dalka Turkiga ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Jubbaland.

Agabkan caafimaad oo loogu tala-gay in loogu adeego bulshada Soomaaliyeed ayaa isugu jiray kuwo loogu tala-gay dadka bahiyaha gaarka ah qaba iyo agab kale.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maaraynta Jubbaland Maxamed Cusmaan Jaamac ayaa agabkan ku wareejiyay wasiir ku-xigeenka wasaaradda caafimaadka Jubbaland Abshir Maxamed Cabdi.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya