Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug oo wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO kala wareegay qalabka lagu baaro COVID-19.

0
176

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed ayaa wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hay’adda caafimaadka Adduunka ee WHO kala wareegay qalabka lagu baaro COVID-19  iyo agabka looga hortago cudurkan.

Dr Cabdiweli Maxamed Axmed ayaa sheegay inay go’een inta badan agabka baarista iyo qaar ka mid ah qalabka ka hortagida xanuunka COVID-19 ee muhiimka u ah Shaqaalaha ka howlgalaya Xarumaha Caafimaadka, islamarkana si deg deg ah uga soo jawaabeen dowladda iyo WHO codsigoodii.

“Waxaan rabnaa inaan halkan uga mahad celino wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo hay’adda WHO oo na soo gaarsiisay agabka lagu baaro cudurka karoona feyris iyo kuwa looga hortago, agabkan waxaa loogu talay in la gaarsiiyo xarumaha caafimaadka islamarkana ay u adeegsadan shaqaalaha safka hor ku jira iyo bukannada u imaanaya, baahida aan qabno ma dabooleyso agabkan, waxaan u baahanahay oksojiino iyo qalab kale.”ayuu yiri  agaasimaha wasaaradda caafimaadka Galmudug Dr Cabdiweli Maxamed Axmed.

Shixnadan gargaar ka Caafimaad ayaa qeyb ka ah dadaalada dowlada Federaalka iyo Galmudug ku doonayaan in lagu dhimo qatarta sii kordheysa ee Safmarka COVID-19 oo tiradii ugu badneyd Galmudug laga diiwaan galiyay todobaadkan.