Afartii Xiddig Ee Liverpool Guuldarada U Keenay, Laacibkii Noqday Xiddiga Garoonka & Qiimeynta Kulankii Ay Man United Dharbaaxday Liverpool

0
186

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa guul weyn ka gaartay Liverpool oo ay 2-1 ku garaaceen kulankii caawa ka dhacay Old Trafford iyadoo ay aheyd guushii ugu horeysya ee tababare Erik ten Hag uu ka gaaro Premier League halka Liverpool ay weli bilaa guul tahay seddex kulan oo ay ciyaareen.

Liverpool ayaa xal u weysay kubadii raacashada badneyd ee uu Ten Hag la soo shirtagay, waxayna kubadiisa la mid aheyd midii uu Klopp ka hirgeliyay Reds waqtigii uu kooxda yimid.

Sancho iyo Rashford ayaa guusha ku hogaamiyay Manchester United halka Liverpool uu goolka sabarsiinta u dhaliyay Mohamed Salah.

XIDDIGII LA DEGAY LIVERPOOL:

Ilaa afar ciyaaryahan oo Liverpool ah ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed liita kulankii Old Trafford. Daafacyada dhexe ee Van Dijk iyo Joe Gomez ayaa si xun u dheelay iyagoo qaladaad ku lahaa goolashii laga dhaliyay, siiba Van Dijk oo qalad weyn ku lahaa goolkii Sancho oo uu difaacan waayay taasoo keentay inuu canaan kala kulmo James Milner.

Khadka dhexe waxaa isna jiifay oo aan wax badan qabanin kabtanka kooxda Jordan Henderson halka Roberto Firmino oo dhaawac ka soo kacay uu ciyaarta dul saar uun ku ahaa isagoo aan wax saameyn ah yeelanin. Liverpool waxay si weyn tawday Sadio Mane oo Bayern Munich ku biiray iyo saxiixooda cusub Darwin Nunez oo ganaax kaga maqan.

XIDDIGII GAROONKA:

Marcus Rashford (Man Utd). Weeraryahanka ayaa soo bandhigay tayadii lagu arkay markii uu soo baxayay oo wacdarro ka dhigayay horyaalka. Wuxuu argagixiyay daafacyada Liverpool isagoo orodkiisa ku qalqaliyay, wuxuuna si uu u qalmay dhaliyay goolkii guusha xaqiijiyay. Miyay tani bilow u tahay soo laabashadii Rashford, waqtiga ayaa sheegi doona.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

MAN UTD: De Gea 7, Dalot 8, Varane 8, Martinez 8, Malacia 8, McTominay 8, Eriksen 8, Fernandes 7, Sancho 8, Elanga 8, Rashford 8.

Bedel: Martial 8, Fred 6, Ronaldo n/a, Wan-Bissaka n/a, Van De Beek n/a.

LIVERPOOL: Alisson 7, Alexander-Arnold 6, Van Dijk 5, Gomez 5, Robertson 6, Elliott 6, Milner 6, Henderson 5, Salah 6, Diaz 6, Firmino 5.

Bedel: Fabinho 6, Carvalho 6, Tsimikas n/a.