Afar Ruux oo cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyootay Beledweyne

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Inta la xaqiijiyay ilaa Afar Ruux ayaa cudurka Shuban-biyoodka ugu geeriyooday Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halka kuwo kale ay jiifaan, sida ay sheegeen mas’uuliyinta caafimaadka Gobolka Hiiraan.

Madaxa Ururka Dhaqaatiirta Gobolka Hiiraan Cabdullaahi Maxamed Xalane ayaa Warbaahinta u sheegay in dadka geeriyooday laba kamid ah ay geeriyoodeen xilli loo waday Goob Caafimaad, hayeeshee 150 kale ay cudurka la jiifaan.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray in ay fureen xarun lagu baxnaaninayo dadka qaba cudurka Shuban-biyoodka ee Gobolka Hiiraan kadib fatahaadii uu wabiga ka geystay Magaalada Beledweyne.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa aad u xoogeystay dadka ugu geeriyoonaya Magaalada Beledweyne iyo degaannada hoostaga cudurka Shuban-biyoodka kadib cuduro ka dhashay haraadiga Biyaha ku fatahay Magaalada Beledweyne.