Adigaa Ku Xiga!! Man United Oo U Ballanqaaday Xiddig Kale Inay Saxeexiisa Samaynayso

0
96

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Man United ayaa kalsooni ku qabta saxeexa weeraryahanka kooxda Atalanta ee Rasmus Hojlund iyagoo usii ballanqaaday inay la saxeexanayaan marka ay kasoo dhammaadaan xiddigaha ay haatan hawshooda ku jiraan.

Man United ayaa la saxeexatay khadkii dhexe ee Chelsea ee Mason Mount halka ay haatan ka shaqaynayso heshiiska goolhayaha Inter Milan ee Andre Onana.

Image

Heshiiska Andre Onana ayaa la fahamsan yahay inay maanta oo Khamiis ah tahay maalinta ugu muhiimsan ee la filayo inuu dhinac u dhaco.

Sida uu sheegayo wargeyska The Mirror, kaddib Onana Red Devils ayaa u weecan doona saxeexa Hojlund oo ay doonayaan inuu hoggaamiyo weerarkooda iyagoo u ballanqaaday inay usoo socdaan.

Manchester ayaa aaminsan in 20 sano jirka Danish-ka ahi uu hoggaamin karo weerarka kooxdeeda iyagoo heshiiska shaqsiga ah la gaadhay bishii May.