Abaaraha ka jira Deegaanada Jubbaland oo saameyn ku yeeshay Dhaqdhaqaaqa sayladda xoolaha ee Dhoobley.

0
326

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxa ay kamid tahay deegaanada ay sida ba’an u saamaysay abaarta ku dhufatay qeybo badan oo kamid  ah Gobolada Dalka

Saamaynta abaarta Meelaha sida xoogan looga dareemayo ayaa waxaa kamid ah saylada xoolaha ee magaalada dhoobley taasi oo ay kajirto xoola yari baahsan.

Xoola yarida kajirta sayladda xoolaha ayaa waxaa loo sababaynayaa in ay keentay abaarta xadhaysay deegaanada jubaland Xoolihii lakeeni jiray oo ay abaar intooda badan ku habsatay.

Qaar kamid ah ganacsatada xoolaha ku iibiya sayladda Xoolaha Deegaanka oo radio sanguuni lahadlay ayaa kawarbixiyay saamaynta ballaaran ee ay ku yeelatay abaarta baahsan  isla markaana ka hadlay sare u kaca ku yimid qiimaha lakala siisto xoolaha.

Dhanka  kale maxamed xasan oo kamid ah dilaalayda dilaala xoolaha ayaa sheegay in sare u kac xoogaan kajiro suuqa loo sababaynayo abaaraha kajira qeybo kamid ah dalka.

Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya