Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Abaaraha ka jira qeybo badan oo kamid ah Gobolada dalka ayaa Saameyn Dhaqaale iyo mid nololeedba ku yeeshay guud ahaan Mujtamaca ku nool Qeybo badan oo kamid ah Dalkeena.
Dalkeena Soomaaliya ayaa ah Dal inta badan uu Dhaqaalihiisu ku tiirsanyahay Xoolaha nool iyo sido kale waxaa soo saarka Beeraha.
Abaaraha soo noqnoqday ayaa sameyno kala duwan ku yeeshay dhaqashada xoolaha iyo Wax soo saarka dalka iyadoo dad badan oo kamid ahaa xoola dhatada dalkeena ay dhaafeen xoolihii ay noloshoodu ku tiirsaneyd islamarkaana Barkac ku noqday Xeryo looga sameeyay Magaaloyinka sido kale waxaa uu hoos u dhac weyn ku yimid wax soo saarka Dalka.
Qaar kamid ah ganacsatada Magaalada Dhoobley oo aan wareysi la yeelanay ayaan wax kaweydiyay Saameynta ay abaartu ku yeelatay Ganacsig Deegaanka.
Dhan kale Cumar Cabdi Axmed oo kamid Dhalinyarada Magaalada islamarkaana wax kabarta Mid kamid ah Jaamacadaha Dalka Bartana Kulliyadda Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Cumar ayaan wax kuweydiiyay Sida ay Abaaruhu u saameeyeen Guud ahaan Dhaqalaha Dalka.
Xasan Maxamed Cabdullahi. ayaa warbixintan inooga diyaariyay