Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Suuqyada Magaalada Jowhar ee caasimada Dowlad Goboledka Hirshabelle ayaa waxaa laga daremayaa sare u kac xoogan oo ku yimid badeecadaha kala duwan ee lagu iibiyo Suuqyada gaar ahan Rashinka iyo khudaarta.
Qaar kamid ah ganacsatada Magaalada Jowhar oo warbahiinta la hadaley ayaa sheegay in haatan sare u kac ku yimid dhamaan badeecadaha.
dhinaca kale Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ganacsiga Dowlad Goboledka Hirshabelle Maxamed Yuusuf Colow ayaa sheegey in deeganada hirshabelle gaar haan gobolka shabellaha dhaxe aysan kaso gu’in dalaga beeraha taas oo sababtey in abaaro ay ka dilaaceen deegano badan oo ka tirsan Gobolka shabellaha dhaxe wuxuna gacansatada ugu baaqey in ay bulshada uu dimriyaan.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa kawaramaysa