Abaal-marinta Weyn Ee AC Milan Ay Siin Doonto Tababare Stefano Pioli Haddii Ay Ku Guuleystaan Champions League Oo La Shaaciyey

0
134
UDINE, ITALY - MARCH 18: Stefano Pioli, Head Coach of AC Milan, looks on prior to the Serie A match between Udinese Calcio and AC Milan at Dacia Arena on March 18, 2023 in Udine, Italy. (Photo by Alessandro Sabattini/Getty Images)

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha kooxda kubadda cagta AC Milan ee Stefano Pioli ayaa heli doona abaal-marn lacageed oo weyn haddii uu kooxdiisa ku hoggaamiyo tartanka Champions League ee ay semi-finalkiisa isku dhaceen Inter Milan, taas oo haddii ay soo dhaafaan ay finalka isku hali doonaan Manchester City iyo Real Madrid midkooda soo gudba.

Stefano Pioli oo ay da’diisu tahay 57 jir ayaa isbeddel badan ku sameeyey AC Milan tan iyo markii uu la wareegay October 2019, waxaana uu xilli ciyaareedkii hore u qaaday horyaalka Talyaaniga ee Serie A oo ay ugu dambaysay sannadkii 2012.

Waxa kale oo uu Stefano Pioli keenay kooxdiisa semi-finalka Champions League oo aanay imanin muddo toban sannadood ka baadan, waxaanay uu laba tallaabo u jiraa in loo dhaqan-geliyo qodob ku jiray qandaraaskiisa oo ahaa in la siin doono abaal-marin lacageed.

Sida uu qoray wargeyska La Gazetta dello Sport, Heshiiskii cusbaa ee ay AC Milan bishii October ka saxeexday Stefano Pioli ayaa waxa ku jiray qodob dhigaya, in haddii uu ku guuleysto tartankan uu heli doono abaal-marin lacageed oo weyn, waxaana uu u baahan yahay inuu ka tallaabsado Inter Milan, kaddibna uu finalka la halgamo oo uu koobka ka qado Real Madrid iyo Man City midkooda soo gudba.