Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Terry Gou, oo ah 72-jir bilyaneer ah, isla markaana ah aasaasihii shirkadda iPhone-ka ee Foxconn, ayaa ku biiray loolanka loogu jiro madaxtinimada Taiwan.
Mr. Gou waa ganacsade ay ku xeeranyihiin sheekooyin badan nolashiisa.
Falanqeeyaasha arrimaha doorashada ayaa sheegaya in hadii uu ninkaan ahaan lahaa musharaxa kaliya ee ka soo horjeeda xisbiga talada haya ee Democratic Progressive Party (DPP), uu wax wanaagsan qaban lahaa, marka la barbar dhigo musharixiinta kale.
Musharaxnimadiisa ayaa kala qaybi doonta codadka mucaaradka doorashada madaxtinimada ee Janaayo 2024-ka.
Jasiiradda iskeed isu maamusho ayaa dooran doonta madaxweyne cusub 2024-ka.