Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Madasha Sare ee โ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ฆ๐๐ก๐ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข๐ข๐ซ๐ซ๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐๐๐ฌ๐ก๐ข ๐ฌ๐ข ๐ฐ๐๐ฑ ๐ฅ๐จ๐จ๐ ๐ ๐ช๐๐๐ญ๐จ ๐๐๐ช๐๐๐๐๐๐ก๐ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ข๐๐ค๐๐ง ๐๐ ๐ง๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ฌ๐ข๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฌ๐๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ข๐ฆ๐ข๐ฅ๐๐๐.โ oo lagu qabtay HIRKAN Room ee #COP29.
Wasiirka ayaa muujisay sida Soomaaliya ay u hoggaaminayso dadaallada lagu dhisayo Shabakadda Cusub ee Dalalka u Nugul Isbeddelka Cimilada iyo Dagaallada, iyadoo tilmaantay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro maalgashi waxtar leh oo la jaanqaadaya xaaladaha dalalka nugul.
Amb. Khadija ayaa ku baaqday in la kordhiyo maalgelinta cimilada iyo ficillada la xiriira la-qabsiga isbeddelka cimilada, iyadoo xustay in Soomaaliya oo aan wax badan ku biirin wasakheynta hawada ay haddana si baโan ula kulanto saameynta isbeddelka cimilada. Wasiirka waxay ku adkeysatay in shabakaddan cusub ay kor u qaadi doonto codka dalalka nugul, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo wada-hawlgalka, is-dhaafsiga aqoonta, iyo cod mideysan oo lagu dalbado isbeddelka maalgashiga cimilada.
Madashan waxaa sidoo kale ka qeyb galay masโuuliyiin sar sare oo ka kala socday dalal iyo hayโado caalami ah, kuwaas oo ka wadahadlay xal u helidda caqabadaha cimilada iyo nabadda.
Wasiirka ayaa ballan qaaday in Soomaaliya ay si buuxda uga goโan tahay inay hoggaamiso dadaallada ku aaddan nabadda iyo horumar waara. #COP29