Markabka sahminta shidaalka ee Oruc Reis oo ku xirtay dekadda weyn ee Muqdisho.

0
40

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Markabka la yiraahdo Oruc Reis ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa ugu dambeyn ku xirtay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo ay galbinayaan maraakiib dagaal kaas howllaha shidaal sahminta ah u imaaday Soomaaliya.

Markabkaan lagu magacaabo Oruc Reis, ayaa dhismihiisa la soo gabagabeeyay sanadkii 2017, waxaa lagu naqshadeeyay oo lagu dhisay dalka Turkiga, ujeedka loo sameeyay ayaana ahaa sahminta juquraafiga badaha iyo naqshada oo loo yaqaan ‘oceanographic’ kaas oo muhiim u ah dadaallada sahminta badda ee Türkiye.

Oruç Reis ayuu dhererkiisu yahay 87-mitir una dhiganta 285-fiit, halka ballaciisu yahay 23-mitir oo u dhiganta 75-fiit, waxa uuna kor u dhisanyahay 34-mitir oo u dhiganta 111-fiit.

Sidoo kale waxa uu leeyahay afar matoor oo nafto ah kuwaas oo kiiloowaatkoodu yahay 2,520-KW, waxa uuna awood u leeyahay sahminta seismic ee 2-D iyo 3-D, oo lagu sameeyo saliidaha iyo gaaska badda hoostiisa ku jira.