Shirka la-tashiga wax ka baddelka dastuurka oo ka furmay Baydhabo.

0
57

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adaha u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka KMG ah, oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, Guddiga La-socodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Wasaaradda Cadaaladda XFS ayaa si wadajir ah u daah-furay Shirka La-tashiga Cutubka 5aad illaa 9-aad.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray wax-ka-beddelka Cutubyada 5aad ilaa 9aad ee Dastuurka, iyadoo laga falanqeeyay talooyin iyo aragtiyo muhiim ah oo ay soo bandhigeen Maamulka iyo shacabka Doladda Konnfur-Galbeed.

Maamulka, Haweenka iyo Dhalinyarada Koonfur Galbeed ayaa door muhiim ah ka qaatay wada-tashigaan, iyagoo soo jeediyay fikrado iyo talooyin wax ku ool ah oo ku saabsan dib-u-habaynta cutubyada muhiimka ah.

Aragtidooda firfircoon waxay muhiim u tahay geeddi-socodka wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo qayb ka ah dedaallada lagu xoojinayo dowladnimada iyo isku-dubbaridka baahiyaha bulshada Soomaaliyeed.