Manchester City Oo Guardiola U Qabatay Wakhti Uu Mustaqbalkiisa Go’aan Uga Gaadho.

0
32

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wargeysyada ayaa daaha ka qaaday in Manchester City ay qabatay waqti kama dambeys ah si ay u ogaadaan mustaqbalka tababare Pep Guardiola, maadaama uu qandaraaskiisa haatan ku dhow yahay dhamaad.

Waxaa la og yahay in Guardiola qandaraaskiisa haatan ee Manchester City uu dhacayo xagaaga 2025, taas oo ah dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ku dhawaaqista Manchester City ee ku saabsan bixitaanka agaasimaha ciyaaraha ee Txiki Begiristain xagaaga soo socda ayaa kordhisay hubanti la’aanta mustaqbalka Guardiola.

Wararka saxafada ayaa u muuqday kuwa muujinaya in Guardiola uu ka tagi doono Etihad Marka uu dhoco heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay shabakadda caalamiga ah ee “ESPN”, Manchester City waxay dooneysaa inay hesho jawaab ku saabsan mustaqbalka Pep Guardiola ee kooxda, waqti gaar ah.

Waxay sharaxday in madaxda Manchester City ay rajeynayaan inay gaaraan go’aanka ugu dambeeya ee Guardiola ka hor dhamaadka sanadkan.

Waxa ay tilmaantay in kooxda heysata horyaalka Ingariiska ay dooneyso tan si ay u hesho waqti ku filan oo ay ku hesho bedelka ku haboon hadii uu kooxda ka tago.