WARBIXIN: Xiddigaha Ugu Caawinta Badan taariikhda Kubada Cagta Wakhtigan Oo La Soo Saaray

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xidigii hore ee kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Manchester United ayaa ka mid ah todobada ciyaartoy ee ugu caawinta badan taariikhda kubbada cagta.

Awood  fursadaha abuurista asxaabtaada waa mid ka mid ah xirfadaha ugu muhiimsan kubada cagta ciyaartoyda liiskaan ku jira ayaa ah kuwa ugu fiican arintaas.

Xulka iyo kooxda waxa aan halkan ku Soo bandhigi doonaa xiddigaha Ugu caawinta badan taariikhda kubada cagta.

1.Lionel Messi – 375 caawin

Messi Ayaa hogaaminaya liiska isaga oo caawiyay 375 gool ilaa haatan xirfadiisa ciyaareed.

2.Thomas Muller – 317 Caawin

Muller Ayaa Ka mid ah xiddigaha Ugu caawinta badan, xitaa markii uu kooxda Bayern Ka noqday kayd waxa uu samaynayaa Caawin.

3.Kevin De Bruyne – 304 caawin

Waxaa laga yaabaa in uu yahay kubadsameeyaha ugu weyn ee Premier League uu abid arko, waxaa jira kaliya labo ciyaaryahan oo firfircoon kuwaas oo ka caawin badan xiddiga Belgium.

Waxa uu ahaa ciyaaryahankii ugu dhaqsaha badnaa taariikhda Premier League ee gaaro 100 caawin, isagoo ku gaaray rikoorka taariikhiga ah kaliya 237 kulan.

4.Angel Di Maria – 300 caawin

Ma jiraan ciyaartoy badan oo shumaca ku qaban kara guulaha xirfadeed ee Di Maria. Waxa uu ku guulaystey koob kasta oo lagu soo bandhigo heer naadi iyo heer caalami, isaga oo ka mid ah kubadsameeyaha ugu fiican jiilkiisa.

5.Luis Suarez – 300 caawin

Marka la eego in Suarez uu yahay weeraryahanka kaliya ee Ku jira liiskan waxa ay muujinaysaa si uu u dhamayastiran yahay.

6.Neymar – 279 caawin

Xiddigga reer Brazil waa mid ka mid ah ciyaartoydii ugu fiicneyd farsamada qarniga 21-aad, haddii aysan dhaawacyo la hadhin waxa uu samayn lahaa Taariikh.

7.Cristiano Ronaldo – 255 caawin

Halka CR7 inta badan lagu yaqaano awoodiisa gooldhalinta, xirfadiisa ciyaareed hadana waxa uu sidoo kale ku fiicnaa caawinta goolasha.