TikTok oo lagu dacweeyay inay dhibaato ku heyso caafimaadka maskaxda da’yarta.

0
52
FILE - The icon for the video sharing TikTok app is seen on a smartphone, Feb. 28, 2023, in Marple Township, Pa. The state of Montana is asking a federal judge to allow its ban on downloading TikTok to take effect in January, even though the company argues it violates free speech rights. The state argues there are other apps that people can use to communicate with each other that don't include the risk of sharing data with the Chinese government. The company and content creators had asked the judge to temporarily block the law from taking effect while their legal challenge plays out. (AP Photo/Matt Slocum, File)

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-In ka badan toban gobol oo Mareykanka ah ayaa dacweeyay shirkadda TikTok, iyaga oo ku eedeeyay bartaan inay gacan ka geysatay sare u kacca dhibaatada caafimaadka maskaxda dhalinyarada.

Shirkadda TikTok ayaa dacwaddaan ku tilmaamtay “Mid niyad jab leh” waxa ayna sheegtay inay rumeysan tahay in qaar badan oo kamid ah sheegashooyinka ay yihiin “Kuwo aan sax ahayn oo marin habaabin ah”.

Madashaan ayaa horay waxa ay ula dagaallantay sharci ay Congress-ka ansixiyeen bishii Abriil kaas oo ka mamnuucayay Mareykanka.

Dacwadda ayaa lagu weydiistay maxkamadda inay TikTok ku soo rogto xannibaad iyo in lagu soo rogo ganaax lacaged.

Xeer ilaaliyayaasha ayaa sidokale billaabay kiisas lamid ah Facebook iyo Instagram iyagoo baaraya saamaynta ay ku leeyihiin caafimaadka maskaxda ee dhalinyarada.