Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐๐ฎ๐ฑ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐น๐ถ๐ป ๐๐ฎ๐น๐ถ (๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ) oo ka qeybgalaya Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee ka socday dalalka Afrika.
Ugu horeyn Wasiirka ayaa la kulmay Wasiirada Isgaarsiinta ee dalalka Sambia Iyo Burundi, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo suurtagalnimada in la gaaro hishiishyo is afgarad oo u dhaxeeya dalalka iyo sidii loo kala faaโiideysan karo.
Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Shirkadaha ka shaqeeya Teknolojiyada oo danaynaya maalgashiga, waxa ayna soo dhaweeyeen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.
Wasiirka Isgaarsiinta ๐ซ๐ถ๐น๐ฑ๐ต๐ถ๐ฏ๐ฎ๐ฎ๐ป ๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ๐บ๐ฒ๐ฑ ๐ฆ๐ผ๐ผ๐บ๐ฎ๐ฎ๐น๐ถ ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada uu la kulmay uu la wadaagay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka shuruucda iyo hormarinta Dhijitaalka oo dadaal badan lagu bixiyey