Daacuun ka dilaacay gobolka Borno ee dalka Nigeria

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Daacuun ayaa ka dilaacay gobolka waqooyiga bari ku yaala ee dalka Nigeria ee Borno halkaas oo fatahaadda ku dhufatay ay barakicisay dad ku dhaw 2 milyan oo qof, sida laga soo xigtay maamulka gobolka.

Waa wax caadiya in daacuun ka dilaaco Borno, waxana xumaaday fayo dhawrka iyo helitaanka biyo nadiifa.

Isu duwaha caafimaadka gobolka Borno Baba Mallam Gana ayaa weriyayaasha u sheegay in 17 kiis oo cudurka daacuunka ah la diiwan galiyay, laakiin lama soo sheegin wax dhimasho ah.

Illaa 500 oo kiis oo ah shuban daran ayaa la diiwan galiyay sida uu sheegay Gana, waxana tiradaasi laga diiwangaliyay illaa shan deegaan oo gobolka ka tirsan.

Fahataahadda gobolka Borno ayaa bilaabatay kaddib markii ay duntay buundo weyn sabab la xiriirta roob mahiigaana oo gobolka ka da’ay, taas oo keentay in malaayiin qof ka barakacaan guryahooda isla markaana ay waxyeelo soo gaarto adeegii caafimaadka iyo kaabayaashii dhaqaalaha.

Ururka Midoowga Dhalinyarada cagaarsan ee ka dhisan Magaaalada Kismaayo ee xaruunta Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa booqosho iyo dhiirigalin uga tagay qaar ka mid ah beeraleyda Waqooyiga Magaalada Kismaayo.