Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo si habsami leh uga socdo Muqdisho.

0
73

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Shirkan oo ah kii tobanaad fadhigiisa labaad Waxaa gudoomiye Madaxweynaha JFS Dr, Xasan Sheekh Maxamuud waxaana qeyb ka ah Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka mudane Saalax Jaamac, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Shirkan ayaa waxa ay madaxda uga doodeen qodobada horu-tabinta u leh Dowlad dhiska, dimuqraadiyeynta iyo qodobo kale oo muhiim u ah dowladnimada.