Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Xildhibaanada baarlamanka Kenya ayaa qorsheynaya in ay billaabaan mooshin xil ka-qaadis oo ka dhan ah madaxweyne ku-xigeenka dalka Rigathi Gachagua, iyaga oo ku eedeeynaya in uu arbushayo dowladda, sida uu sheegay hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamanka.
Tallaabadan ayaa muujineysa khilaaf sii ballaaranaya oo u dhaxeeya madaxweyne William Ruto iyo ku-xigeenkiisa.
Waxay ku sii dari karta caqabadaha haysta dowladda kadib mudaaharaadyo bilo socday, oo ay dad badan ku dhinteen, kuwaas oo ka dhashay sharciga maaliyadda ee lagu murmay, kuna qasbeen Ruto in uu meesha ka saaro sharciga bishii June, islamarkaana eryo inta badan golihiisa wasiirrada.