Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Manchester City Pep Guardiola ayaa xaqiijiyay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Rodri uu dhaawac ACL ah ku seegayo inta ka harsan xilli ciyaareedka 2024-25.
28-sano jirkaan ayaa dhaawac ka soo gaaray daqiiqadii 21-aad ee ciyaartii Citizens ay barbaraha 2-2 la gashay Arsenal garoonka Etihad Stadium axadii.
Xiddiga ayaa ka dhaawacmay jilibka xilli uu ku ordayay kubad la soo karoosayay waxana uu ciyaarta kaga baxay dhaawacaas.
Guardiola ayaa shaaca ka qaaday habeenimadii Salaasadii kadib guushii Man City ee wareega saddexaad ee EFL Cup-ka Watford in Rodri uu u baahan yahay qaliin uuna maqnaan doono waqti dheer.
Tababaraha reer Catalan ayaa tan iyo markaas bixiyay war cusub oo ku saabsan xaalada ciyaaryahanka khadka dhexe, isagoo xaqiijiyay inuu maray qaliin subaxnimadii Jimcaha, islamarkaana uusan dib u heli doonin ilaa xilli ciyaareedka soo aadan.
Guardiola ayaa yiri: “Waxa uu sameeyay qaliin saaka ah markaa waxa uu maqnaan doonaa inta ka dhiman xilli ciyaareedkan”.
“Waxaan helnay [warkii ugu xumaa] laakiin waa waxa uu yahay. Mararka qaarkood, nasiib daro way dhacdaa. Waxaan halkaas u joognaa inaan taageerno isaga. Soo kabasho wanaagsan, talaabo talaabo horay ayaan u soconaa.”