Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo isbadalka Cimilada Jubbaland Mudane Caydiid Saleeban Xaashi ayaa Garoonka diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada XFS Mudane Axmed Maxamed Cumar.
Soo dhawayn kadib Wasiirada iyo qaar kamid ah Shaqaalaha Wasaaradda Deeganka iyo isbadalka cimilada Jubbaland ayaa dhir ku kutalaalay Xeebta liido ee Magaalada kismaayo.
Wasiirka Wasaaradda Deeganka iyo isbadalka Cimilada Jubbaland Mudane Caydiid Saleeban Xaashi oo soo dhaweynta ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa kawarbixiyay ujeedka Safarka Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada XFS.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya