Muxuu Arteta Ka Yidhi Bar-Barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Man City.

0
31

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa ka hadlay bar-barihii ay kooxdisu la gashay Man City.

Arseal ayaa bar-baro 2/2 ah la gashay Man City kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

“Waan ku faanayaa Kooxda, waxa aan ciyaarnay kulan adag iyo xaalad adag, waxa aan la ciyaarnay kooxda ugu fiican adduunka waliba iyaga oo jooga gurigooda”ayuu yidhi Arteta.

“Kadib wixii dhacay waxa aan ciyaarta ka dhignay 2/1 waxa ay ahayd xaalad adag, ma doonayo in aan ka hadlo casaankii Trossard”.

“Sida iska cad waa mucjiso in aan 56 daqiiqo ku ciyaarnay 10 xiddig anaga oo joogna Etihad, runtii waxa aan la malayn karin ayaan samaynay”.