Ugu yaraan labo qof oo ku dhintay daaddad ku soo rogmaday Qaaradda Yurub

0
67

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hal qof ayay biyuhu la tageen Koonfurta Galbeed ee dalka Poland, kumannaan kalena waxa laga daad gureeyay xuduudda wadanka Jamhuuriyadda Czech kaddib markii roobbab mahiigaan ay ka da’een bartamaha Yurub, kuwaas oo daaddad xoog leg ka soo rogmadeen maanta oo Axadda.

Qof kale oo ka tirsan kooxaha gurmadka ayaa ku dhintay dalka Austria, sida uu ku qoray bartiisa X Ra’isul Wasaare kuxigeenka dalkaasi Werner Kogler, waxana gobolkaas oo ku dhaw caasimadda Vienna looga dhawaaqay xaalad degdeg ah.

Gobolka Woqooyiga Moravia iyo Gobolka kale Silesia ayaa ah gobollada ugu daran wadanka Jamhuuriyadda Czech.

Sidoo kale waxa roobbabka barbar socdo dabeylo xoog leh oo ku dhuftay Bartamaha iyo Bariga Yurub, dabeysha oo loo bixiyay Boris ayaa la saadaalinayaa in ay sii socon doonto illaa galinka dambe ee Isniinta berito ah.