Guddiga wasiirrada arimaha dibadda ee dalalka Carabta oo taageeray Qaranimada Soomaaliya.

0
54

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka arrimaha dibedda iyo ikaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shir guddoomiyey kulan gaar ah oo heer wasiirrada arrimaha dibedda ee dalalka Carabta ee u xilsaaran taageerada Soomaaliya oo lagu qabtay xarunta Jaamacadda Carabta ee Qaahira, iyadoo ay ka soo qayb galeen wasiirrada Arrimaha Dibedda ee dalalka ku jira guddiga taageerada Soomaaliya iyo xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta.

Shirkan oo qeyb ka ahaa fadhiga 162-aad ee Shirka Jaamacadda Carabta ee heer Wasiirrada arrimaha dibedda, wuxuu xoogga saaray sidii loo xoojin lahaa garab-istaagga dalalka Carbeed iyo taageeridda Soomaaliya si loo difaaco madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Guddiga ayaa bayaan ay soo saareen si wadajir ah u xaqiijiyey inay taageersan yihiin Soomaaliya, waxayna gebi ahaanba ka digeen faragelinta shisheeye ama isku day kasta oo lagu waxyeelleynayo madaxbannaanida Soomaaliya.

Sidoo kale, wasiirradu waxay ugu baaqeen wadamada deriska ah gaar ahaan Itoobiya inay ka fogaato ficillada wax u dhimi kara xasilloonida Soomaaliya iyo mandiqadda ama waxyeeleyn kara Madaxbannaanida dalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudiga, Baxrayn, Muritaaniya, iyo Masar oo ay weheliyaan Safiirka Jabuuti u fadhiya Masar iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ayaa si wadajir ah u diiday heshiiskii beenaadka Itoobiya ay ku doonayso in ay qeyb ka mid ah dhulka Soomaaliya damaaciso, ayagoo dhanka kalena mawqifkooda ku caddeeyey in Gobolada Waqooyi (Somaliland) ay yihiin qeyb ka mid ah Dalweynaha Soomaaliya.

Bayaankan wuxuu muujinayaa sida ay uga go’an tahay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha xubnaha ka ah inay difaacaan oo ilaaliyaan Qaranimada Soomaaliya, iyadoo la raacayo mabaadi’da caalamiga ah ee faragelinta ka madax-bannaan iyo ilaalinta xuduudaha dhuleed.