Ra’iisul Wasaaraha XFS oo dhagax dhigay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

0
58
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa dhagax dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, taas oo qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda ee lagu soo celinayo adeegyada muhiimka ah iyo tayeynta kaabayaasha dowladnimada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay in xarumaha dowladdu ay noqdaan kuwo u qalma shaqada iyo adeegyada ay siiyaan shacabka. Isaga oo ugu baaqay dhammaan dadka ku sugan ama deggan xarumaha dowladda, in ay sida ugu dhaqsiyaha badan uga baxaan, si loo siiyo fursad dib-u-dhiska iyo horumarinta adeegyada qaran.
Khadar Axmed Salaan.ayaa kawaramaya