Madaxweyne el-Sisi oo booqasho taariikhi ah ku tegay Turkey

0
69

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Masar Cabdi-Fattax al-Sisi, ayaa booqasho ku tagay dalka Turkiga, waana booqashadii ugu horeysay ee nooceeda ah muddo 12 sano ah. Dhigiisa Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa gacan qaaday Sisi, markii uu ka soo degay diyaaradii gaysay Ankara. Labada dal ayaa xiriirka diblumaasiyadeed uu xumaaday sanadkii 2013-kii kadib markii Sisi oo xilligaas ahaa wasiirka gaashaandhigga uu afgambiyay madaxweynihii Masar, Maxamed Mursi oo saaxiib dhow la ahaa Erdogan.

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa bishii Febaraayo ee lasoo dhaafay booqday Qaahira, taasoo calaamad u ahayd inuu soo hagaagayo xiriirkooda.

Bayaan uu soo saaray Sisi ayuu ku sheegay in booqashadiisa ay ka tarjumeyso rabitaanka guud ee ah in la bilaabo bog cusub oo saaxiibtinimo iyo iskaashi.