Kenya oo laga xaqiijiyay kiiskii 3-aad ee Mpox.

0
44

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee dalka kenya Dr.Patrick Amoth ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen kiiskii saddexaad ee furuq daanyeerka loo yaqaano Mpox ee laga diiwaangeliyay gudaha waddankaasi.

Arinkan ayaa yimid ka dib markii cudur sidahan laga helay haweeney 30 sano jir ah oo ku nool Nairobi.

Dr. Amoth ayaa shaaciyay in bukaanka ay dhawaan u safartay waddanka Uganda.

Waxaa uu intaasi ku daray in hadda xaaladeeda caafimaad ay wanaagsan tahay oo lagu daryeelaya qayb gaar ah.