WFP oo xannibtay dhaqdhaqaaqa shaqaalaheeda ee Marinka Qaza

0
45

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Barnaamijka Cunnada Adduunka ee (WFP) ayaa shaaciyay inuu hakiyey dhaqdhaqaaqa shaqaalihiisa ee Marinka Qaza.Xannibaaddan ayaa jiri doonto ilaa wargelin dambe.

Tani ayaa timid ka dib markii mid ka mid ah baabuurta hay’adda WFP rasaas lagu furay xilli uu marayay meel dhowr mitir u jirta bar-kontorool oo ay Israa’iil maamusho.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay xilli uu baabuurka ku wajahnaa bar-kontoroolka buundada Wadi Gaza Bridge.

Waxay hay’addu sheegtay in uunan jirin qof howlwadeenadeeda ka mid ah oo ay waxyeello ka soo gaartay rasaastaasi lagu furay.

Afhayeenka qaramada midoobay Stephane Dujarric ayaa weerarkaasi ku eedeyay Israa’iil.
Waxaa uu sheegay in baabuur astaan leh la xabadeeyay ilaa 10 mar oo 5 ka mid ah rasaasta lala dhacay dhanka darawalka.