Madaxda Hay’adda SODMA & Qaramada Midoobay oo yeeshay kulan mihiim ah.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maamulka xarunta dhexe ee Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa marti-galisay kulan looga hadlaayey xaaladda dalka,kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay qaramada Midoobay.

Kulankaan oo bishiiba mar la qabto waxaa Ka qeybgalay Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadannimada (OCHA) iyo barnaamijka horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qodobbo ay kamid yihiin sidii loogu diyaar-garoobi lahaa shirka madasha arrimaha bani’aadanimada,ururinta dhaqaale soo kabasho ah oo loogu talagalay dadkii ay wax-yeelleysay saameynti El-nino iyo qorshaha ku aaddan abaaraha.

Sidoo kale, kulanka waxaa looga hadlay sidii loo garab istaagi lahaa dadka uu saameeyay dab xooggan oo dhawaan ka kacay Suuqa Hanti-wadaag ee magaalada Jowhar, kaasoo baabi’iyay 900 oo goobo ganacsi ah,kaas oo ay ku baxeen dhaqaale dhan $1.5 milyan ilaa $2 milyan, isla-markaana wax-yeelleeyay hab-nololeedka 5,000 oo qoys.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Md. Maxamuud Macallin Cabdulle iyo ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Md. George Conwey, ayaa wadajir u shir-guddoomiyay kulanka, waxaana ka qeyb-galay masuuliyiin kale oo ka kala socday Hay’adaha SoDMA, OCHA & UNDP.