kulan dib u eegis loogu sameynayey Mashruuca dhisidda adkeysiga Bulshooyinka oo lagu qabtay Kismaayo

0
66
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta qabatay kulan dib u eegis loogu sameynayey Mashruuca Dhisidda Adkeysiga Bulshooyinka Nugul ee ku nool Soomaaliya.
Kulanka oo uu si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamed Weli Cali ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha uu quseeyo mashruucan, Hay’adaha ku bahoobay Daladda (BRCiS) iyo howlwadeenada qaar ka mid ah Wasaaradaha Dowladda Jubbaland.
Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya