Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kumanaan qof oo Falastiiniyiin ah ayaa ka qaxay guriyahooda oo ku yaalla qaybo ka mid ah magaalada Deir el-Balah ee Bartamaha Qaza.
Tani ayaa timid ka dib markii ciidamada militariga ee Israa’iil ay soo saareen amar cusub oo daadgureyn ah.
Saraakiisha difaaca ee Israa’iil ayaa gudaha u sii galaya magaaladaasi oo ay dad badan deggan yihiin.
Laga soo billaabo 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore, ugu yaraan 40,223 qof oo Falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay duqeymaha ay weli Israa’iil ka wado Qaza halka la dhaawacay 92,981 kale.