Qorshahooda Hawada Sare oo ahaa sideed maalmood laakin waxay ku xayirnaan karaan ilaa 2025

0
36

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ka hor intii aanay laba cirbixiyeen Maraykan ah aanay cilladi ku imaan hawlgal tijaabo ah oo ay ku tageen Saldhigga Hawada Caalamiga ah 5tii Juun, waxay filayeen inay kusoo laabtaan guryahooda maalmo gudahood.Laakiin arrimahaasi sidii loogu talagalay kuma dhicin.

Dhab ahaantii, Barry “Butch” Wilmore iyo Sunita Williams ayaa weli halkaas jooga, iyaga oo dul heehaabaya hawada sare ku dhawaad ​​laba bilood.

Labadancirbixye ayaa ku xayiran halkaas si aan xad lahayn , hadda waxay xaaladuu u muuqataa inay gabi ahaanba seegaan kuleylaha xagaaga oo ay xitaa halkaas ku qaadan doonaan Christmas-ka iyo sanadka cusub.

Mr Wilmore oo 61 jir ah iyo Ms Williams oo 58 jir ah ayaa diyaarad Boeing Starliner ah ugu duulay saldhiga. Waxa uu ahaa duulimaadkii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ay dad la socdeen,waxayna ahayd tijaabo loogu talo galay in lagu eego sida dayax-gacmeedkan cusub u shaqeeyo ka hor inta aan si joogto ah loo isticmaalin.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Arbacadii, saraakiisha Nasa waxa ay sheegeen in aan weli go’aamo adag la gaarin marka ay timaaddo tallaabooyinka xiga.

“Go’aankeena ugu muhiimsan waa inaan Butch iyo Suni kusoo celino Starliner,” Steve Stich, maamulaha Barnaamijka Ganacsiga ee Nasa, ayaa sidaasi yiri. “Si kastaba ha ahaatee, waxa aynu samaynay qorshaynta lagama maarmaanka ah si aan u hubinno in aan haysano fursado kale oo furan.”