Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Cabdi Maxamed Xuseen isaga iyo 13 kale oo dhalinyaro ah ayaa afar sano ka hor ka shaqeynayay beertan oo ku taalla Deegaanka Damalow ee duleedka Nagaalada Baladweyne, basle hadda isago oo kaliya ayaa ku soo haray kadib markii hoos u dhac uu ku yimid tacabkii beertan maadaam sannad kasta ay la kulman khasaaro ka soo gaara daadadka soo noq noqda ee ka dhashay Isbadalka Cimilada.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa