Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladaha Ingiriiska, Faransiiska, Canada iyo Maraykanka ayaa muwaadiniintooda ku sugan gudaha dalka Lebanon ugu baaqay in ay waddankaasi iskaga baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan.
Tani ayaa loo aaneeyay xiisadda sii kordhaysa ee Bariga Dhexe ee ka dhalatay dilkii madaxii ururka Xamaas ee dalka Falastiin Ismaaciil Haniyeh.
Dowladda Iiraan ayaa dilka hoggaamiyahan ku eedeysay Israa’iil iyo Maraykanka.
Xukuumadda Tehraan iyo ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa labaduba wacad ku maray in ay falcelin adag ka bixin doonaan dilkii Haniyeh.
Canada ayaa rayidkeeda ku boorrisay in aynan safar ku tagin Israa’iil maadaama sida ay sheegtay ay xaaladda amni hoos u sii dhici karto digniin la’aan.
Sidoo kale, xiisadda Bariga Dhexe ayaa sababtay in shirkado badan oo kuwa duullimaadka ah ay hakiyaan safarradooda waxaana ka mid ah KLM oo laga leeyahay Netherlands, Lufthansa, Emirates, Air France, Turkish Airlines, Singapore Airlines iyo Swiss Airlines.
Diyaaradaha shirkadahan ayaan u safri doonin Israa’iil, Lebanon iyo Iiraan.