Booliiska Uganda oo arkay 17 qalfoof aadane ah

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Ciidamada booliiska ee dalka Uganda ayaa sheegay in ay arkeen 17 qalfoof aadane ah oo lagu aasay sanduuqyo.

Waxaa laga soo saaray macbad laga shakiyay oo ku yaalla bartamaha Uganda sida ay laamaha ammaanka maanta u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP.

Waxaa qalfoofka arkay carruur qoryo ama xaabo u raadsaday duleedka tuulada Kabanga ee u dhow magaalada Mpigi oo ilaa 40 kiilomitir dhanka galbeed uga beegan caasimadda Uganda ee Kampala.

Afhayeenka booliiska ee gobolkaasi Majiid Kariim ayaa warbaahinta u sheegay in saraakiisha ammaanka ay si degdeg ah u tageen goobta iyagoo qoday meelihii sanduuqyada lagu aasay ka dibna ku dhex arkay qalfoof gaaraya 17.

Waxaa uu intaasi ku daray in ay qoditaan dheeraad ah wadaan si haddii ay jiraan kuwo kale loo soo saaro.

Dadweynaha oo ay arrintan walaac ku beertay ayuu ka codsaday in ay is dejiyaan si loo ogaado sababta keentay in waxyaabahan halkaasi lagu duugo iyo cidii ka dambeysay.