Israa’iil oo duqayn ay ka geysatay iskuul ku yaal Qaza ku dishay 30 qof

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Milateriga Israa’iil ayaa weerar ku qaaday iskuul u dhow magaalada Deir al-Balah oo ku taal bartamaha Qaza, halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 30 falastiiniyiin ah, in ka badan 100 kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee maamusho Xamaas.

Ciidamada Israa’iil (IDF) ayaa ku sheegay Telegram in xarun talis iyo maamul oo Xamaas leedahay ay ku dhex-tiil gudaha Iskuulka Khadiija.

IDF ayaa intaa ku dartay in Xamaas ay xarunta u adeegsatay meel gabbaad ah oo ay ka hagaan oo ay ka qorsheeyaan weerarada iyo kaydinta hubka.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in muuqaallada ay muujinayaan in dadka la laayay ay ahaayeen dad rayid ah oo u badan caruur. BBC ayaa xaqiijisay muuqaal muujinay carruur ka mid ah dadka dhaawacmay.