Dowladda Falastiin iyo ururka Xamaas oo heshiis gaaray

0
53

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa lagu soo warramayaa in ay dalka Shiinaha heshiis ku wada saxiixdeen dhinacyo matalaya Dowladda dalka Falastiin iyo ururka Xamaas
Heshiiskan ayaa lagu sheegay mid lagu soo dhisaya Dowlad wadaag ku meel gaar ah.

Xoghayaha Guud ee Hindisaha Qaran ee Falastiin ee Palestinian National Initiative ,Mustafa Barghouti ayaa xusay in ay is –afgarad gaareen ilaa 14 kooxood.

Waxay dhinacyadan ku heshiiyeen in dowladda midnimada qaran ee ku meel gaarka ah ay qaabilsanaan doonto Daanta Galbeed iyo Qaza.

Waxaa nidaamkan xubno ka ah Wakiillada 14-ka dhinac ee heshiiyay ilaa doorasho laga qabanaya si loo soo doorto golaha qaran ee Falastiin.

Dhanka kale , Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa’iil Israel Katz ayaa Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabaas ku dhaliilay heshiiska ay Dowladiisu la gashay Ururka Xamaas
Waxaa uu sheegay in ay burburin doonaan Xamaas.