Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda aan dowliga ahayn ee tabarucaadda , Ford Foundation oo laga leeyahay Maraykanka ayaa gaashaanka u daruurtay eedeyn dhawaan uga timid madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.
Shalay ayay ahayd markii uu Ruto hay’addan ku eedeyay maalgelinta dibadbaxyadii dalka ka dhacay.
Hasa ahaate, Ford Foundation ayaa dhaliishaasi iska fogeysay waxayna si cad u sheegtay in aynan maalgelin dibadbaxyada.