Kagame oo ku guuleystay doorashadi Rwanda.

0
58

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Guddiga doorashada Rwanda ayaa sheegay in doorashadi madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday Isniinti shalay uu ku guuleystay madaxweyne Paul Kagame.

Guush Kagame oo aheyd mid la filayay, ayay guddiga doorashada sheegeen, in 99% codadka la tiriyay uu helay madaxweyne Paul Kagame, taasoo sii dheereyneysa xukunkiia 30 gu’jirsaday, ee dalkaasi dhaca Bariga Africa.

Labadi murashax ee Kagame kula tartantay doorashadi shalay oo kala ah— Frank Habineza oo ka socday xisbiga Democratic Green Party iyo Philippe Mpayimana oo ahaa murashax si iskiis ah isu matalayay, ayaa labuda helay wax ka yar 1% codadki la dhiibtay.

Natiijadan ayaa la mid ah tii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada Rwanda ee sannadki 2017-ki, markaas oo uu Kagame ku guuleystay ku dhawaad 99% codadki ay dhiibteen shacabka dalkiisa. Natiijada rasmiga ah ee doorashadan ayaa lagu dhawaaqi doonaa 27-ka bishan July.