Iran oo Mareykanka ka dooneysa $6.8 bilyan oo magdhow ah.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Maxkamad ku taalla Iran ayaa ku amartay Mareykanka inuu bixiyo ku dhawaad 6.8 bilyan oo dollar oo ah magdhowga saameynta ay cunaqabateynta Washington ku yeelatay bukaannada qaba cudurrada maqaarka ee dhifka ah, waxaas sidaas sheegtay waaxda garsoorka.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sanadkii 2018 si keligiis ah Mareykanka uga saaray heshiiskii Nukliyeerka ee u dhaxeeyay Iran iyo quwado badan oo caalami ah. Waxa uu dib u soo rogay cunaqabatayn dhaqaale oo lagu qaaday heshiiska.

Tallaabooyinka Washington “waxay bukaannadan u diideen dawooyin iyo boomaato”, taasi oo keentay “dhimashada ilaa 20 qof,”, ayaa lagu qoray website-ka waaxda garsoorka Iran.

Khubarada Qaramada Midoobay ayaa soo xigtay kiiska shirkad Swedish ah oo joojisay iibinta faashadda gaarka ah ee macmiilkeeda Iran. Faashadaha noocan oo kale ah waxay gargaar muhiim ah siiyaan bukaanada qaba cudurka bullosa epidermolysis.

Hase yeeshee iibsashada caalamiga ah ee sahayda noocan oo kale ah waxaa hor istaagay bankiyada oo ka walaacsan in ay ganacsi la sameeyaan Iran.

Bishii Maarso, ayaa lasoo wariyay in garsoorka Iran uu amar ku bixiyay in lala wareego saliid Mareykan ah oo qiimaheedu ka badan yahay 50 milyan oo dollar oo saarnaa markab la qabtay 2023-kii.

Washington ayaa cunaqabataynteeda ka reebtay badeecooyinka bani’aadannimo, gaar ahaan daawooyinka iyo qalabka caafimaadka.