Dhismaha Wado muhiim u ah bulshada degmada Yaaqshiid oo laga dhagax dhigay degmadaasi.

0
35

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Gudoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka banaadir oo uu wehelinaayo gudoomiyaha degmada yaaqshid ayaa maanta waxa ay si wadajir ah u dhagax dhigeen wadada isku xirta waxyaha horseed iyo heegan ee degmada yaaqshid.

Wadada dayax mool ayaa ah wada muhiim u ah isku socodka bulshada degmada .

Munaasabada dhagax dhiga ayaa waxaa ka qeyb galay xubnaha kala duwan ee maamulka degmada, saraakiisha amniga degmada, xubno ka socday maamulka gobolka banaadir iyo marti sharaf kale.

Gudoomiyaha degmada yaaqshid ee gobolka banaadir saleebaan maxamuud ayaa shegay in wadadaan lagu dhisaayo isku tashi bulsho.

Maxamed Cali Samow. ayaa ka warramaya