Tobnaan Falastiiniyiin ah oo lagu dilay koofurta Gaza

0
47

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sarakiil Falastiiniyiin ah ayaa sheegay in duqeyn cirka ah oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Marinka Gaza ay ku dishay ugu yaraan 30 qof oo Falastiiniyiin ah.

Khasaaraha faraha badan ee rayidka ayaa dhacay kaddib marki la duqeeyay guryo horay iskuul u ahaa jiray oo ay qoysas Falastiiniyiin ah gabbaad ka dhiganayeen.

Xamas ayaa ka digtay in ay taasi halis gelin karto wadahadalada xabad joojinta.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay inay eegayaan warbixinta.

Agaasimaha xafiiska warbaahinta ee Hamas maamusho ee Gaza Ismaaciil Al-Tha-wabta ayaa sheegay in Israa’iil ay duqeeyno ka geysatay deegaano ku yaala bartamaha Gaza ayna ku dhinteen 60 Falastiiniyiin ah, halka ay ku dhaawacmeen tobanaan kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in taangiyada Israa’iil eey gudaha u soo galeen xaafadaha Tel-Al-Xawa Shejaciya iyo Sabra ee magaalada Gaza ayna tacshiiradeyeen wadooyin iyo dhismayaal, kuna qasbeen dadka inay ka cararaan guryahooda milatariga Israa’iil amaro soo dhigay baraha bulshada oo ku saabsanaa in dadku ay guuraan.

Isra’iil ayaa saddexdi maalin ee u danbeeyay aad u sii xoojiyay duqeymaha ay la beegsaneyso koofurta, bartamaha iyo waqooyiga Gaza, halkaas oo ay ku dishay tobnaan qof oo u badan dumar iyo carruur.