Wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka 1-aad ee Jubbaland oo gaaray Degmada Luuq

0
78
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi uu hogaaminayo Madaxwayne kuxigeenka koowaad ee Dowladda Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa gaaray Degmada Luuq ee gobolka Gedo.
Wafdigan oo ay qayb ka ahaayeen Wasiiro katirsan XFS Xildhibano ka kala tirsan BJFS iyo Golaha Wakiilada Dowladda Jubbaland iyo xubno kale.
Ujeedka Wafdigan ayaa ahaa nabadaynta dadka walaalaha ah ee shaqaaqada ku dhex martay Degmada Luuq maalmihii u danbeeyay waxana wafdigan loo galbiyay gudaha Magaalad iyagoona kulama gooni gooni ah laqaadan doono Bulshada ku nool Degmada Luuq halkaas oo ay kaga sii amba qaadi doonaan in ay nabad kala dhex dhigaan Beelaha walalaha ah ee dirirtu dhexmartay maalmihii danbe.