Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Masoud Pezeshkian oo ah qunyar-socod ah aanan magac weyn ku laheyn siyaasadda Iran, ayaa lagu wadaa inuu ku guuleysto doorashadi ku celiska aheyd ee Jimcihi shalay ka dhacday dalka Iran.
Pezeshkian oo ballan qaaday inuu Iran u furi doono dunida inteeda kale isla markaana gaarsiin doono shacabka xorriyadda ay in badan ku taamayeen, ayay natiijooyinka hordhaca ah ee soo baxay muujinayaan, inuu ugu yaraan 3 milyan oo codad ah ka horreeyo murashaxa mayalka adag Saciid Jaliili.
Goor sii horreysay oo xalay aheyd, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa xaqiijisay in Pezeshkian uu hogaaminayay natiijada. Waxay kaloo sheegeen in soo bixisti codbixinta doorashada ay gaartay ugu yaraan 50%, taasoo ka badan tirada dadki codadkooda ka dhiibtay wareeggii hore ee doorashada.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujiyay taageerayaasha Pezeshkian oo waddooyinka ku qoob-ciyaaraha halka qaarkoodna ay yeerinayeen hoonka baabuurta dhowr magaalo oo waddanka ka tirsan.
Magaalada uu kasoo jeedo ee Urmia ee dhacda waqooyigalbeed ee Iran, dadweynaha ayaa qeybinayay macmacaan si ay u muujiyaan farxadda doorasho u muuqato inuu ku guuleystay wiilka degmadooda.
Doorashadan ayaa aheyd mid waqtigeeda laga soo hormariyay, kaddib marki uu shil helikobtar ku geeriyooday madaxweynihi hore ee Iran Ibrahim Ra’iisi.