Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kadib Dagaal beeleedyo ku soo lab laabtey Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaas oo weli hada ka socda Halkaasi, ayaa waxaa Baaq Nabadeed ka soo saarey Wasiirada, Amniga iyo Cadaalada ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka Abdiqaadir Yuusuf iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Hasan Abdiqaadir Maxamed ayaa Si wada jir ah ugu Baaqey in la joojiyo Colaada ka taagan degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Naxwo Axmed Kadiye.ayaa warbixintan ku eegeysa