Ganacsatada Degmada Dhoobley oo Idaacadda Sanguuni ugu Hambalyay sanad guurada 4-aad.

0
61

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Idaacadda Sanguuni ayaa rasmi ah u Shaqo bilowday 15 June 2020 iyadoo haatan laga joogo mudo Afar Sano tan iyo Xiligaasi Idaacadda ayaa ka howlgaleysay Degmada Dhoobley iyado aheyd Idaacadii ugu horeysay ee laga hirgaliyo Magaalada islamarkaana ka shaqeeysa arimaha Bulshada.

Mudadii ay Idaacadu jirtay waxa ay Xooga saartay Dhinacyada Ganacasiga, Waxbarashada, Caafimaadka, Nabadda iyo arimaha Haweenka.

Sido kale waxaa jira Barnaamijyo kale oo muhiim ah oo ka baxa Idaacadda islamarkaana wax tar u ah Bulshada.

Qaar kamid ah Ganacsatada Magaalada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose oo aan wareysi la yeelanay ayaa ku bogaadiyay Idaacadda Sanguuni Shaqada ay Bulshada u heyso iyagoona Hambalyo ku aadan Sanad guurada 4-aad u diray Dhamaan Dhageytiyaasha Iyo Holwadeenada.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa warbixintan ku eegaya