Uhuru Kenyatta oo madaxda hadda ugu baaqay in ay dhageystaan dadka dibadbaxaya

0
62

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynihii hore ee Kenya, Uhuru Kenyatta, ayaa ku baaqay nabad ka dib bannaanbax looga soo horjeedo sharciga maaliyadda oo shala dhacay ayna hareeyeen rabshado, iyadoo ay xoog ku galeen dibad-baxayaashu xarunta baarlamaanka.

Hadal uu warbaahinta siiyay Uhuru ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay dadka Kenyanka ah ee lagu laayay dibadbaxyada, isagoo xusay inay muhiim tahay in madaxda la doortay ay dhageystaan ​​dadkii u codeeyay.

“Xilligan waxaan rabaa in aan xasuusiyo dhammaan madaxda in ay shacabku soo doorteen, “Dadka dhegaysigoodu maaha wax la dooran karo ee waa waajib ku qotoma aasaaska dastuurkeenna iyo aasaaska dimuqraadiyadda,” ayuu Uhuru.

Mr. Uhuru, ayaa intaa ku daray in dowladda looga baahan yahay inaysan xoog u adeegsan, isla markaana aysan mucaaradad kala hortagin dadka Kenyaanka ah ee xuquuqdooda dastuuriga ah ku bannaanbaxya.